Deeq A. Posted August 10, 2022 Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ay jirto kala ra’yi duwanaan siyaasadeed oo u dhexaysa madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo qaar kamid ah siyaasiyiintii dhisayay doorashadii 2019. Madaxweyne Deni iyo qaar kamid ah siyaasiyiintaas ayaa sida la sheegay ku kala ra’yi duwan xaaladda siyaasadeed ee hadda ka taagan Puntland. Kala aragti duwanaanta labada dhinac ayaa sidoo kale khusaysa marxaladda siyaasadeed ee mustaqbalka gaar ahaanna doorashada madaxtinimada Puntland ee 2024. Madaxweynaha ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu sameeyo isbeddelo xilli ay soo baxayso kala ra’yi duwanaanta labada dhinac. PUNTLAND POST The post Maxaa ka soo kordhay xaaladda siyaasadeed ee Puntland? appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites