Deeq A. Posted August 10, 2022 Natiijada horudhaca ah ee doorashada dalka Kenya ayaa tilmaamaysa in ay si aad ah isugu dhaw yihin labada musharax ee loo saadalinayo in mid kamid ah uu ku soo baxo kursiga madaxweynaha dalka Kenya. Madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya William Ruto & Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dalkaas Raila Odinga, ayaa foodda isku hayo, xilli natiijada horudhaca ah uu ku hoggaaminayo 51% William Ruto, halka Odinga uu heysto 48% codadka la dhiibtay. Akhriso Natiijada horudhaca ah ee doorashada William Ruto – 51.03% (728,738 cod) Raila Odinga – 48.34% (690,305 cod) George Wajackoyah- 0.42% (5,977 cod) David Waihiga-0.21% (3,024 cod) Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites