Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u danbeeyay xaflad aroos oo lagu weeraray duleedka degmada Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan shan ruux ayaa ku dhintay sagaal kalena waa ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday xaflad aroos oo ka socotay tuulada Cadayleey oo ku dhow degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Dabley hubaysan ayaa sida wararku sheegayaan weerartay xaflad aroos oo ka socotay degaanka islamarkaana rasaas la dhacay qoyskii arooska ahaa iyo dadkii xafladdaas ku sugnaa.

Xafladdii farxadeed ayaa hal mar isu rogtay meel murugo iyo dhiig miiran ah islamarkaana codadkii jecaylka ay noqdeen baroor iyo oohin sida laga soo xigtay goob-joogayaal.

Kooxdii weerarka fulisay ayaa goobta isaga baxsaday waxaana halkaas tegay ciidamada amniga oo hawlgal ka sameeyay degaanka.

Dhacdadaas ayaa ku soo beegantay xilli dhowaan degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud lagu weeraray xaflad aroos halkaas oo uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u danbeeyay xaflad aroos oo lagu weeraray duleedka degmada Afgooye appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this