Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Deegaanka Cadaado oo Dooranaya Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenkiisa, Yaa Ku Tartamaya?

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa maanta oo Arbaco ah degmada Cadaado ee gobalka galgaduud lagu wadaa in ay ka dhacdo doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka degmada Cadaado.

Xilka guddoomiyaha ayaa waxaa ku tartamaya musharraxiinta kala ah, Faarax Diiriye Warsame, iyo Jibriil Cumar Jimcaale, halka ay ku xigeenka ku taryamayaan, Cabdixakiin Maxamed Cali iyo Sayid Cali Daahir Maxamuud, waxaana xildhibaannada iyo musharraxiinta caawa u socda olole ku aadan doorashada barri lagu wado in ay ka dhacdo magaalada.

Degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud  ayaa noqotay magaaladii ugu horey ee Galmudug shacabku ay si  rabitaankooda kusoo doortaan dadkii u adeegi lahaa, waxaana maamulku qorsheynayaa in sidaan oo kale laga sameeyo degmooyin Galmug iyadoo dhowaan degmooyin loo aqaansaday magaalooyinka Baxdo iyo Wisil, waxaana lagu wadaa in Baarlamaanka la geeyo.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this