Sign in to follow this  
Deeq A.

Aadan Madoobe oo la kulmay Guddigii uu u magacaabay dhacdadii Baarlamanka

Recommended Posts

Deeq A.   
1-6.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madobe ayaa hoygiisa Kulan kula qaatay Guddiga KMG ah ee Ka tala bixinta dhacdadii 07/08/2022 Ka dhacday xarunta Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha ayaa Guddiga Kula dardaarmay in ay kasoo tala bixiyaan fowdadii Golaha Ka dhacday kulankii 14aad ee Kalfadhiga 1aad ee Golaha Shacabka BJFS isagoo usheegay in ay warbixin dhameeystiran ka keenaan.

Xubnaha Gudiga oo Maanta yeelanaya kulankoodii ugu horreeyay ayaa u balan qaaday Guddoomiyaha inay warbixin si deg deg ah uga keeni doonaan dhacdadii ka dhacday Xarunta Golaha intii ay socotay ansixintii Xukuumadda.

Shalay ayuu guddoomiyaha Magacaabay Guddiga uu u xilsaaray duacdadii Golaha Shacabka,kuwaas oo ka kooban 5 Xubnood, balse waxaa ka cudur daartay in uu kamid noqdo Xildhibaan kamid ahaa xubnaha Guddiga, hayeeshee Guddoomiyaha ayaa ku bedelay Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Abuukaate.

PUNTLAND POST

The post Aadan Madoobe oo la kulmay Guddigii uu u magacaabay dhacdadii Baarlamanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this