Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu Aadan Madoobe ka yeelay go’aankii uu qaatay Odowaa?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ka aqbalay cudur daarkii uu soo gudbiyey Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) isagoo ku bedelay xildhibaan kale.

Xildhibaan Cabdiraxman Odowaa ayaa maanta Guddoomiyaha uga cudur daartay inuu kamid noqdo guddi uu u xil-saaray baaritaanka buuqii iyo gacan ka hadalkii hareeyey kulanka baarlamaanka maalintii la anxisiyey xukuumadda cusub ee 7-dii bishaan.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa xubinimadii uu diiday Odawaa, wuxuu u magacaabay Xildhibaan Maxamuud Cabdullahi Axmed (Abuukaato).

Odawaa ayaa maanta bartiisa Facebook ku soo qoray, “Ka cudur daarasho. Anigoo u mahad celinaya gudoomiyaha golaha shacabka, haddana waxaan ka cudur daaranayaa ka mid noqoshada xubinimada guddigaan hoos ku lifaaqan. Xildhibaanada saxiibadey ah, waxaan kula dardaarmayaa in aan mar walba ilaalinno anashax iyo dhaqanka wanaagsan, xasuusnaana inaan nahay indhihii dalka. Mahadsnaidiin.”

Guddigan ayaa ka kooban shan Xildhibaan, waxaana la faray in warbixin ay ka keenaan wixii hoolka baaralamaanka ka dhacay Axadii, isla markaana natiijada ka soo baxda baaritaanka ay dib ugu soo celiyaan guddoonka.

Sidoo kale guddiga ayaa sameyn doona xog uruurinta iyo wareysiga xubnaha Golaha Shacabka ee xaadirka ku ahaa xarunta iyo qof kasta oo goobjoog ku ahaa xarunta maalintaas.

Xubnaha guddigaan ayaa kala ah:

  1. Xildhibaan Maxamuud Cabdullahi Axmed (Abuukaato)
  2. Xildhibaan Axmed Maxamuud Jaamac
  3. Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin
  4. Xildhibaan Maxamuud Cabdiqaadir Xaaji
  5. Xildhibaan Ismaaciil Ciid Maxamed

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyntiina faray Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka in uu u fududeeyo xubnahaas wixii tas-hiilaad ah ee ka guddi ahaan ay u baahdaan.

298569064_376486757995299_56467786296826q.jpg?resize=679%2C960&ssl=1

The post Muxuu Aadan Madoobe ka yeelay go’aankii uu qaatay Odowaa? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this