Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha gobolka Mudug oo Qaabbilay Wafdi ka Socda Hay’adda UNHCR

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug Mudane, Axmed Xuseen Shire Bukhaari ayaa xarunta gobolka mudug ku qaabbilay wafdi ka socday hay’adda UNHCR oo ay hoggaaminaysay madaxa cusub ee HEAD SUB OFFICE, Monique Rudacogora, laguna sagootinayay madaxii hore Mohamed Shekinweri.

Guddoomiyaha Gobolka mudug  oo ay wehliyaan Agaasimayaasha maamulka gobolka mudug ayaa kulanka la qaatay wafdigaan ka socday Hay’adda UNHCR. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray wadashaqeynta mamaulka  iyo Madaxa cusub ee taageeridda bulshada tabaalaysan ee gobolka mudug kuwaas oo saameyn ku yeelatay Abaarta .

Guddoomiyaha gobolka mudug mudane, Axmed Xuseen Shire Bukhaari ayaa kaga mahad celiyay Madaxa Cusub ( HEAD SUB OFFICE) Monique Rudacogora iyo dhamaan shaqaalaha UNHCR isagoona kula dardaarmay inay Maamulka Gobolka ka garab siiyaan gurmadka loo sameynayo dadka abaartu ku saamaysay ee gobolka ku nool.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this