Sign in to follow this  
Deeq A.

Odowaa oo go’aan lama filaan ah ka qaatay guddigii uu kusoo daray Aadan Madoobe

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxman Maxamed Odowaa oo maanta Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe u magacaabay kamid noqoshada Guddiga KMG ah ee loo xilsaaray baaritaanka dhacdadii nidaam-darada aheyd ee 7-dii bishaan ka dhacday xarunta Golaha, ayaa ka cudur daartay xilkaas.

Xildhibaan Odowaa ayaa ka cudur daartay kamid noqoshada guddigaas oo laga sugayo in uu sameeyo xog ururinta iyo wareysiga xubnaha Golaha Shacabka ee xaadirka ku ahaa xarunta iyo qof kasta oo goob joog ku ahaa xarunta maalintaas.

“Ka cudur daarasho. Anigoo u mahad celinaya gudoomiyaha golaha shacabka JFS Mudane Sh Aadan Maxamed Nuur (Sh Aadan Madoobe), haddana waxaan ka cudur daaranayaa ka mid noqoshada xubinimada guddigaan hoos ku lifaaqan,” ayuu Xildhibaan Odowaa ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Sidoo kale waxa uu ku yiri qoraalkiisa “Xildhibaanada saxiibadeey ah waxaan kula dardaarmayaa in aan mar walba ilaalinno anashax iyo dhaqanka wanaagsan, xasuusnaana inaan nahay indhihii dalka. Mahadsnaidiin.”

Guddiga uu ka cudur daartay kamid noqoshadiisa Xildhibaan Odowaa ayaa himika waxaa kusoo haray afar Xildhibaan, wuxuuna guddoonka ka sugaya in warbixin ka keenaan arrinkaas, islamarkaana natiijada ka soo baxda baaritaanka ay ku soo sameeyaan dhacdadaas dib ugu soo celiyaan guddoonka.

Waxaa xusid in kamaradaha warbaahinta qaarkood ay qabteen muuqaalo muujinaya mid kamid ah xildhibaanada maalinkaas fadhiga ka sameeyay fowdada oo caag ku tuurayo Guddoonka, taasi oo hadal hayn badan ka dhalatay la fahamsan yahayna inay horseeday magacaabida guddiga.
298290960_376301394680502_27328419530072 298373388_376301451347163_87413001120636

The post Odowaa oo go’aan lama filaan ah ka qaatay guddigii uu kusoo daray Aadan Madoobe appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this