Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Aadan Madoobe oo qaaday tallaabo la xiriirta fowdadii golaha shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa magacaabay Guddi KMG ah oo baaritaan ku sameeya dhacdadii nidaam-darada aheyd ee 7-dii bishaan ka dhacday xarunta Golaha.

Guddigan ayaa ka kooban shan Xildhibaan, waxaana la faray in warbixin ka keenaan arrinkaas, islamarkaana natiijada ka soo baxda baaritaanka ay ku soo sameeyaan dhacdadaas dib ugu soo celiyaan guddoonka.

Sidoo kale guddiga ayaa sameyn doona xog ururinta iyo wareysiga xubnaha Golaha Shacabka ee xaadirka ku ahaa xarunta iyo qof kasta oo goob joog ku ahaa xarunta maalintaas.

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyntiina faray Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka in uu u fududeeyo wixii tas-hiilaad ah ee Guddiga u baahdaan.

Xubnaha guddigaan ayaa kala ah;

1. Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa)
2. Xildhibaan Axmed Maxamuud Jaamac
3. Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin
4. Xildhibaan Maxamuud Cabdiqaadir Xaaji
5. Xildhibaan Ismaaciil Ciid Maxamed

Si kastaba, Waxaa xusid in kamaradaha warbaahinta qaarkood ay qabteen muuqaalo muujinaya mid kamid ah xildhibaanada maalinkaas fadhiga ka sameeyay fowdada oo caag ku tuurayo Guddoonka.

298290960_376301394680502_27328419530072 298373388_376301451347163_87413001120636

The post Sheekh Aadan Madoobe oo qaaday tallaabo la xiriirta fowdadii golaha shacabka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this