Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland oo soo babdhigay qaraxyo la qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1660039289620.jpg?resize=720%2C48

Gudoomiya Gobolka Mudug Faysal Sheikh Cali ayaa ka qayb galay kulan Deg Deg ahaa oo lagu soo bandhigayey Laamaha Amniga Gobolka Mudug oo ku guulaystay soo qabashada Agab ka kooban Walxaha Qarxa iyo gaarigii waday oo la rabay in lagu khal-khal galiyo Amniga iyo Horumarka Bulshada.

Taliyaha Aaga Ciidanka Daraawiishka Gobolka Mudug, Taliyaha Saldhiga Degmada Galdogob, Saraakiisha CID iyo laamaha Amniga Gobolka Mudug ayaa qayb ka ahaa kulan kan.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo Warbaahinta la hadlay ayaa ucadeeyey in gacanta lagu dhigay Agabkan iyo Gaarigii siday oo laga soo qabtay Magaalada Galdogob, isagoona Bulshada la wadaagay in har iyo habeen Laamaha Amniga iyo Masuuliyiinta Gobolka utaaganyihiin la dagaalanka iyo ka hortaga Ururada Argagixisada ee Cadowga ku ah Nabada Bulshada Soomaaliyed.

PUNTLAND POST

The post Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland oo soo babdhigay qaraxyo la qabtay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this