Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Maxaa ka soo baxay wada-hadalladii Museveni iyo Xasan?

Recommended Posts

Deeq A.   

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan booqasho rasmi ah ku joogo magaalada Kampala ayaa wadahadallo miro dhal ah la yeeshay dhiggiisa dalka Uganda, Mudane Yoweri Kaguta Museveni.

Kulanka oo ka dhacay qasriga weyn ee madaxtooyada wadanka Uganada ee Entebbe ayaa waxaa looga hadlay horumarinta xiriirka iyo iskaashiga ay wadaagaan labada ddowladood.

Sidoo kale waxaa lagu soo qaaday wadahadalladaan, xaaladda guud ee gobolka, gaar aghaan xasilloonida dalalka Geeska Afrika iyo danaha wadajirka ah ee heer Qaaradeed.

Xasan Sheekh iyo Yoweri Museveni ayaa sidoo kale dhiirrigeliyey qabasoomidda Kulanka 1-aad ee xubnaha joogtada ah ee guddiga isku dhafka labada dal (JPC), kaas oo u xil-saaran kobcinta iskaashiga diboomaasiyadda iyo siyaasadda, wadashaqeynta dhanka amniga iyo ganacsiga, iyagoo soo dhaweeyey saxiixa heshiisyada Is-afgarad ee Kampala ay ku kala saxiixdeen Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  iyo dhiggooda dalka Uganda.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu uga mahad-celiyey Yoweri Museveni, Dowladda iyo shacabka dalkiisa garab istaagga ay u muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaan doorkooda ku aaddan nabadda, amniga iyo xasilloonida dalka. Sidoo kale waxa uu ku bogaadiyey mowqifka walaaltinimada leh ee dowladda Uganda ay ku taageertay codsiga dowladda Soomaaliya ee ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa dhiciniisa uga mahadceliyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sida uu u ajiibay casuumaadda uu u fidiyey iyo wada-hadalladan wax-ku-oolka ah ee yeesheen dowladaha Soomaaliya iyo Uganda

Waxa kale oo uu ku ammaanay madaxweynaha, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dhabar-adeygga iyo dadaalka ay ku bixinayaan xasilinta dalkooda.

Uganda ayaa ka mid ah dalalka haatan xiriirka wanaagsan la leh Somalia, waxayna ciidamo ka joogaan gudaha dalka, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka ATMIS ee Midowga Afrika.

FB_IMG_1659990979429.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1659990791671.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1659990863114.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1659990913991.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1659990948965.jpg?resize=696%2C46

The post Sawirro: Maxaa ka soo baxay wada-hadalladii Museveni iyo Xasan? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this