Deeq A. Posted August 9, 2022 (SLT-Nairobi)-Dadwaynaha Kenya oo u dareeray doorashada guud ee dalkaasi Kenya oo maanta si rasmi ah uga bilaabantay dalkaasi. Komishanka doorashooyinka Kenya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay albaabada u fureen goobaha codbixinta dadwaynaha. Doorashadan oo codkooda dhiibanayaan in ka badan 22 Milyan oo dadka reer Kenya ah. Doorashadan dalka Kenya waxaa xilka ugu sareeya ku loolamaya afar murashax oo kala ah, David Mwaure oo ka sharaxan xisbiga Agano Party of Kenya, Raila Odinga oo ka sharaxan xisbiga Azimio la Umoja coalition, William Ruto oo ka sharaxan xisbiga United Democratic Alliance iyo George Wajackoya oo ka sharaxan xisbiga Roots Party of Kenya. Source Share this post Link to post Share on other sites