Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya: Alshabaab oo weeraro ka fuliyay Mandera

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaarayo magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari, ayaa sheegaya in deegaan hoostaga Mandhera ay xubna ka tirsan ururka alshabaab ay ka fuliyeen weeraro khasaaro gaystay.

Degmooyinka  Ceel-qaalow iyo Waraabeeyo ayaa la sheegay in weeraro ay ka fuliyeen xubna katirsan ururka alshabaab, xilli lagu waday in ay deegaanadaas ay ka dhacdo doorasho.

Weerarka koowaad ayaa ka dhacay deegaanka Illile  oo hoostaga degmada Ceel-qaalow waxaana halkaas dagaal uu ku dhexmaray ururka alshabaab iyo ciidamada Kenya.

Weerarka labaad oo loo adeegsaday qaraxyo ayaa dhankiisa ka dhacay goob loo asteeyay in ay ka dhacdo doorashada maanta ka bilaabatay dalka Kenya.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this