Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu CC Sharmaarke ka yiri dhismaha xukuumadda R/W Xamza?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke wareysi siiyey Telefishinka HBN ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan xukuumadda cusub ee lasoo dhisay iyo shaqooyinka horyaalla.

Cumar Cabdirashiid ayaa marka soo dhaweeyey dhismaha xukuumadda cusub, wuxuuna shaaca ka qaaday in ra’iisul wasaare Xamza iyo Golihiisa Wasiirada looga baahan yahay inay la yimaadaan qorshayaal wax looga qabanyo amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in amniga guud ee dalka wax laga qaban karo marka la sugo kan caasimada Muqdisho, wuxuuna ku taliyey in laga hortago kooxaha ciyaal weerarada iyo kooxaha hubeysan ee dilal qorsheysan iyo weerarada qaraxyada ka geysta caasimadda.

Ra’iisul wasaarihii dalka ayaa sidoo kale soo dhaweeyey magacaabista Sheekh Mukhaar Cali (Abuu Mansuur) oo ka mid noqday golaha wasiirada cusub, kaas oo loo dhiibay wasaaradda diinta iyo awqaafka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in arrin wanaagsan ay tahay balse wuxuu soo jeediyey in looga faa’ideysto la dagaalka Al-Shabaab.

Waxa kale oo uu ka dalbaday dowladda cusub inay ka shaqeyso hagaajinta xiriirka caalamiga ee Soomaaliya iyo isku heynta dalalka gobolka ee dariska la ah Somalia.

Ugu dambeyn wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in lalal shaqeeyo xukuumadda, si loo gaaro horumar balaaran iyo meesha la hiigsanayo oo ah Soomaali barwaaqo ah.

Hadalkaan ayaa ku soo aadayo, ayada oo Axadii la soo dhaafay Golaha Wasiirada Soomaaliya ay cod aqlbiyad leh ku meel mariyeen xildhibaanada Golaha Shacabka.

The post Muxuu CC Sharmaarke ka yiri dhismaha xukuumadda R/W Xamza? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this