Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaqiiqo ma-hadho ah iyo Maanta Midda Taagan:

Recommended Posts

Deeq A.   

Xaqiiqo ma-hadho ah iyo Maanta Midda Taagan:

IMG-20220809-WA0000-300x161.jpg

Labadan sawir waxay kala yihiin Muj. Cabdixakiin Sumuni iyo Wasiir Saleban Cali Koore.

Ma-hadhada cibradu ku duugan tahay waxay tahay, bilawgii 1991 markii SNM qabsatay deegaannada Somaliland waxaa ciidamadii la qabtay magaalada Berbera lagu saaray maxkamad uu xaakim ka ahaa Muj. Cabdixakiin Sumuni (AHN). Maxkamaddaa waxaa lagu xukumay askartii iyo saraakiishii lagu cadeeyey inay dadka dhib u gaysteen. Waxaa qisaas lagu qaaday 93 askari waxaana lasii daayey saraakiil iyo askar badan oo aan dembiyo gaara lagu soo oogin.

Waxaa haddaba xiise leh, in Saleban Cali Koore oo hadda Somaliland wasiir ka ahi la sheegay inuu kamid ahaa dhallinyaro Balcad la odhan jiray oo inta tababar kooban la siiyey dagaalka lasoo galiyey.

Haddaba, waxaa maanta isweyndiintu tahay, maxkamad nooceeya ayaa sugaysa ragga maanta ku gooddinaya inay laynayaan shacab aan hubaysnayn, ra’yigooda cabiraya oo mudaharaad silmiya qabanaya?

 

Sarah Abdalle Sh. Maxamuud

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this