Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Duqeymaha Israa’iil Ka Geysatay Magaalada Qaza

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa cambaareeyay duqeymaha ay Israa’iil ka fulisay marinka Qaza ee Falastiin, Duqeymaha Israa’iil waxaa ku dhintay in ka badan 30 qof oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan lix carruur ah, kuwaas guryahooda ay duqeeyeen diyaaradaha Yuhuudda.

“In la beegsado dad rayid ah waa tallaabo kasoo horjeeda xeerarka caalamiga ah, Midowga Afrika wuxuu Falastiin ku taageerayaa dadaallada ay ku doonayaan inay ku noqdaan dal madaxbanaan oo ay caasimaddiisu tahay Bariga Quddus” ayuu yiri Moussa Faki Mahamat.

Hadalkan kasoo baxay Midowga Afrika ayaa imaanaya saacado uun kadib markii kooxda hubeysan ee ka dagaallanta Falastiin ee Islamic Jihad iyo Israa’iil ay wada gaareen heshiis xabad joojin ah, waxaana sidoo kale jirta in Islamic jihaad sidoo kale ay guulo ka sheegteen dagaalka.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this