Sign in to follow this  
Deeq A.

Laftagareen iyo Cagjar oo ka wada hadlaya la dagaalanka Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16599692234177519.jpg?resize=720%

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jig-jiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in socdaalka Madaxweyne Laftagareen ee Jig-jiga uu ku qotoma sidii isaga iyo Madaxweyne Mustafe Cagjar ay uga wada hadli lahayeen iskaashi ku qotoma xaqiijinta amniga labada xuduud iyo la dagaalanka Al-shabaab.

“Socdaalka Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ee agaalada Caasimada Jig-jiga ayaa ku qotoma sidii isaga iyo Madaxweyne Mustafe ay uga wada hadli lahayeen iskaashi ku qotoma xaqiijinta amniga labada xuduud, iyo la dagaalanka maleeshiyaadka argigixisada Al-shabaab” ayaa qoraalka lagu yiri.

FB_IMG_16599692457407654.jpg?resize=720%

Madaxweyne Laftagareen ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa saldhiga ciidamada Cirka Itoobiya ee Godey iyo magaalada Addis Ababa, wuxuuna kulamo la qaaday madaxda iyo saraakiisha ciidamada Itoobiya.

Ururka Al-shabaab ayaa dhawaan gudaha u galay Dowlad Deegaanka Soomaalida, kadib markii ay ka soo tallaabeen xadka gobolka Bakool, waxayna dagaalo culus la galeen ciidamada Liyuu booliska, dagaaladaas oo guulo ka sheegatay Itoobiya.

PUNTLAND POST

The post Laftagareen iyo Cagjar oo ka wada hadlaya la dagaalanka Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this