Sign in to follow this  
Deeq A.

Kadib ansixintii xukuumadda, Swan oo Xamza u sheegay arrin ka go’an QM + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Xogyaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa diiradda lagu saaray “xoojinta taageerada hay’adaha QM ay siiyaan Soomaaliya,” sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka koowaad ee xukuumadda.

Wakiilka QM ayaa sidoo kale ugu hambalyeeyey Ra’iisul Wasaaraha, ansixinta xukuumadda iyo barnaamijkeeda oo shalay ay meel-mariyeen Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay hay’adaha QM in ay xoojiyaan taageeradooda.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa uga mahad-celiyey Qaramada Midoobay taageerada ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, isagoo xusay in xukuumaddiisuna ay diyaar u tahay in si dhow ay u wada shaqeeyaan, si loo xaqiijiyo guulaha la hiigsanayo. ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka ka soo baxay kulanka.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa maalinimadii shalay Golaha Shacabka BFS hor-geeyay Golahiisa Wasiirrada oo ka kooban 74 Wasiir, kuwaas oo helay kalsoonida ugu badneed ee Xukuumadda la siiyo, iyaga oo helay 229 mudane oo ogal ugu codeesay cod gacan taag ah.
Xamza-Swan.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 298219681_409814517914367_37174282905723 Swan-Xamza.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 Xamza-Cabdi.jpeg?resize=696%2C484&ssl=1 298505691_409814501247702_88072787636578 Swan-Xamza-2.jpeg?resize=696%2C696&ssl=1

The post Kadib ansixintii xukuumadda, Swan oo Xamza u sheegay arrin ka go’an QM + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this