Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Xamse iyo James Swan?

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16599606471429483.jpg?resize=720%

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta la kulmay Ergayga gaarka ah ee Xogyaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa lagu sheegay in ay ka wada hadleen xoojinta taageerada hay’adaha Qaramada Midoobay siiyaan Soomaaliya.

FB_IMG_16599606590359390.jpg?resize=720%

James Swan ayaa ugu hambalyeeyey Ra’iisul Wasaaraha, ansixinta xukuumadda iyo barnaamijkeeda oo shalay ay meel mariyeen Golaha Shacabka, isagoo tilmaamay in Qaramada Midoobay ay xoojinayso taageerada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa isaguna uga mahadceliyey Qaramada Midoobay taageerada ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, xukuumaddiisuna ay diyaar u tahay in si dhow ay u wada shaqeeyaan, si loo xaqiijiyo guulaha la hiigsanayo.

PUNTLAND POST

The post Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Xamse iyo James Swan? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this