Deeq A. Posted August 8, 2022 Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay saddex la-taliye madaxweyne oo kala ah, la-taliyaha siyaasadda iyo dimuqraadiyadda, la-taliyaha mashaariicda iyo kheyraadka dabiiciga iyo la-taliyaha arrimaha bulshada. Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda tamarta, macdanta iyo biyaha Pumtland, Axmed Siciid Ismaaciil (Qolombi) ayaa loo magacaabay la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha mashaariicda iyo kheyraadka dabiiciga ah, halka agaasimihii hore ee wasaaradda waxbarashada, Maxamed Cali Faarax (Farmayeeri) loo magacaabay la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha bulshada. Sidoo kale waxaa Cismaan Yuusuf Maxamuud loo magacaabay la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha siyaasadda iyo dimuqraadiyadda. Sidoo kale waxaa Hoos ka akhriso wareegtada Garoowe: 08 August 2022 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne LR 41, LR 42 , LR 43 oo ku saabsan magacaabid Saddex La-taliye Madaxweyne oo kala ah, La-taliyaha Siyaasadda iyo Dimuqraadiyadda, La-taliyaha Mashaariicda iyo Kheyraadka Dabiiciga iyo La-taliyaha Arrimaha Bulshada. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Aqoontooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo. Wuxuu xeeriyey: Waxaa Maxamed Cali Faarax (Farmayeeri) loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada. Waxaa Cismaan Yuusuf Maxamuud loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Siyaasadda iyo Dimuqraadiyadda. Waxaa Axmed Siciid Ismaaciil (Qolombi) loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Mashaariicda iyo Kheyraadka Dabiiciga ah. *Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. DHAMMAAD PUNTLAND POST The post Deni oo magacaabay saddex la-taliye madaxweyne appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites