Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo magacaabay saddex la-taliye madaxweyne

Recommended Posts

Deeq A.   
deni-s-816x542-1-1.jpg?resize=816%2C542&

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay saddex la-taliye madaxweyne oo kala ah, la-taliyaha siyaasadda iyo dimuqraadiyadda, la-taliyaha mashaariicda iyo kheyraadka dabiiciga iyo la-taliyaha arrimaha bulshada.

Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda tamarta, macdanta iyo biyaha Pumtland, Axmed Siciid Ismaaciil (Qolombi) ayaa loo magacaabay la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha mashaariicda iyo kheyraadka dabiiciga ah, halka agaasimihii hore ee wasaaradda waxbarashada, Maxamed Cali Faarax (Farmayeeri) loo magacaabay la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha bulshada.

Sidoo kale waxaa Cismaan Yuusuf Maxamuud loo magacaabay la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha siyaasadda iyo dimuqraadiyadda.

Sidoo kale waxaa

Hoos ka akhriso wareegtada

Garoowe: 08 August 2022 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne LR 41, LR 42 , LR 43 oo ku saabsan magacaabid Saddex La-taliye Madaxweyne oo kala ah, La-taliyaha Siyaasadda iyo Dimuqraadiyadda, La-taliyaha Mashaariicda iyo Kheyraadka Dabiiciga iyo La-taliyaha Arrimaha Bulshada.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Maxamed Cali Faarax (Farmayeeri) loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada.
  2. Waxaa Cismaan Yuusuf Maxamuud loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Siyaasadda iyo Dimuqraadiyadda.
  3. Waxaa Axmed Siciid Ismaaciil (Qolombi) loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Mashaariicda iyo Kheyraadka Dabiiciga ah.

*Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD


PUNTLAND POST

The post Deni oo magacaabay saddex la-taliye madaxweyne appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this