Sign in to follow this  
Deeq A.

Falastiiniyiinta iyo Israa’iil oo heshiis xabbad-joojin ah ku gaaray dalka Masar

Recommended Posts

Deeq A.   

Dalka Masar ayaa gacan ka geystay inay heshiis xabbad-joojin ah gaadhaan, Israa’iil iyo kooxda Falastiiniyiinta ee Islamic Jihad, oo saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey uu dagaal ku dhex marayey marinka Gaza kaas oo la isu adeegsaday hubka culus. Xabbad-joojintu waxay bilaabantay 11:30 habeenimo waqtiga maxaliga ah (2030 GMT).

Sarkaal ka tirsan sirdoonka Masar oo ka gaabsaday in magaciisa la sheego ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in labada dhinac ay isku fahmeen heshiiska xabbad joojinta ah, kaas oo soo afjari doona dagaalkii ugu xumaa oo muddo sannad ah ka dhaca marinka Gaza.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 31 qof ay ku dhinteen duqeymaha cirka ee Israa’iil, oo ay ku jiraan lix carruur ah, halka Israa’iil ay sheegtay in aysan mas’uul ka ahayn ugu yaraan sagaal ka mid ah dhimashada.

Dagaalka haatan dhexmaray labada dhinac ayaa billowday ka dib markii ay Israa’iil xidhay todobaadkii hore sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Jihaad Islam, iyo sidoo kale dil loo geystay 17 jir Falastiini ah.

PUNTLAND POST

The post Falastiiniyiinta iyo Israa’iil oo heshiis xabbad-joojin ah ku gaaray dalka Masar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this