Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Muxuu Madaxweyne Xasan Sheekh caawa kala hadlay ganacsatada Soomaaliyeed?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed, wuxuuna kala arrinsaday iskaashiyada ganacsi ee heer gobol iyo kobcinta maalgashiga dalka.

Madaxweynaha ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay xoojiyaan doorkooda ku aaddan xoojinta maalgashiga dalka iyo wax soosaarka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ganacsatada ku bogaadiyey dhabar adaygga ay ku wajaheen duruufihii dhaqaale ee adkaa ee la soo maray, ‘taas oo muujinaysa hal abuurka maalgashi iyo ganacsi’ oo ay ku tilmaaman yihiin dadka Soomaaliyeed.

“Dowladdaani waxay ka shaqeyneysaa in ganacsatada loo fududeeyo dhaqdhaqaaqa ganacsi iyo maalgashi. Dalkaan in uu noqdo dal dhaqaalahiisa furan yahay baan rabnaa, suuq xor ah in uu yeesho baan rabnaa. Fursadaha dalkaan ka jira meel ay Adduunka ka jiraan waa yar tahay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa dalka Uganda kaga qaybgali doonta Shirka Ganacsiga iyo Maalgashiga ee Soomaaliya iyo Uganda, kaas oo ujeedkiisu yahay sare u qaadidda ganacsiga u dhexeeya labada dal.

Shirkaas waxay ganacsatada dalalka Soomaaliya iyo Uganda ku lafo-guri doonaan fursadaha maalgashiga, ganacsiga iyo wax soosaarka labada dal.

xasan-sheekh-2.jpg?resize=696%2C464&ssl= xasan-sheekh.jpgA_.jpg?resize=696%2C464& xuseen-sheekh-maxamuud.jpg?resize=696%2C

298162917_443617581142720_49202451277444 298163431_443617657809379_49838597508241 298164861_443617397809405_66288235662097 298199829_443617127809432_59795836885204 298214051_443617484476063_35689481026969 298224129_443617744476037_16679077224523 298259846_443622311142247_75596272848226 298319757_443622411142237_18263455280452 298433393_443622224475589_24952255407040 ganacsade.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 xasan-iyo-ganacsatada.jpg?resize=696%2C4 xasan-sheekh-aa.jpg?resize=696%2C464&ssl

The post Sawirro: Muxuu Madaxweyne Xasan Sheekh caawa kala hadlay ganacsatada Soomaaliyeed? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this