Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirro ka tirsan xukuumadda Muuse Biixi oo ka soo jeeda bariga Burco oo Durbaan qabyaaladeed ka dhex abaabulaya beelaha  wada dega Burco.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirro ka tirsan xukuumadda Muuse Biixi oo ka soo jeeda bariga Burco oo Durbaan qabyaaladeed ka dhex abaabulaya beelaha  wada dega Burco.

kaahin-1024x576.jpg

Wasiirradan ayaa abaabulaya odayaal ka soo jeeda beesha East Burco Clan, kuwaas dhaleecayn u jeedin doona wakaaladda Biyaha Al-Nafoora ee gaarka loo leeyahay iyo waliba ganacsade Saleebaan Kulul oo ah Mulkiilaha La-Nafoora Construction.

Odayaashan ayaa loo abaabulayaa inay ka soo horjeestaan biyo galinta uu ganacsade Saleebaan Kulul iyo sherkadiisu ka wadaan Burco, si uu u abuurmo khilaaf qabyaaladeed oo u dhexeeya beesha uu ka soo jeedo Saleebaan Kulul iyo beesha bariga Burco.

Wasiirradan ayaa qaarkood Hargeysa ka darawalinayaan xiisadan qabyaaladeed halka kuwa kalena dhawaan Burco ugu safreen si ay u soo huriyaan durbaankaas naxliga iyo qabyaaladda xambaarsan

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this