Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Shacabka oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Xukuumadda cusub

Recommended Posts

Deeq A.   
3.jpeg?resize=1000%2C666&ssl=1

Xildhibaanada golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta shirweyne ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayay goluhu ku ansixiyeen xubnaha golaha wasiirada ee uu dhawaan magacaabay Ra’iisal wasaaraha JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Kulanka oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa waxaa soo xaadiray 237-mudane, waxaana ogolaatay xukuumadda cusub 229-xildhibaan, 7-diiday halka hal xildhibaan uu ka aamusay.

Intaasi kadib gudoomiyaha maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed oo madasha goob joog ka ahaa ayaa isla goobta ku dhaariyay wasiirada cusub.

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre oo uga mahad celiyay mudanayaasha ansixinta xukuumadiisa, ayaa dhinaca kale balanqaaday iney si dhaw ula shaqeyn doonaan baarlamaanka.

PUNTLAND POST

The post Golaha Shacabka oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Xukuumadda cusub appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this