Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax culus oo goor dhow ka dhacay JOWHAR + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo goordhow ka dhacay gudaha magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay halka loo yaqaano Todobada Geed oo ay ku yaallaan maqaayado ay dadka ku shaaxaan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay gaari NOAHA oo la sheegay in lagu soo xiray walxaha, mana cidda inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay qaraxaasi.

Xaaladda goobta ayaa sidoo kale aad u kacsan, waxaana haatan socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada soo gaartay.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa ka soo horjeeda hoteelka Nuur Doob oo uu dhawaan ka dhacay qarax is-miidaamin ahaa oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur xoogleh.

Saraakiil ka tirsan laaamaha amniga ee dowlad goboleedka HirShablle ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen, waxayna wadaan baaritaano dheeraad ah.

Jowhar oo ah caasimada HirShabelle iyo xarunta gobolka Shabeelah Dhexe ayaa wajaheysa xaalad amni oo daran, waxaana ka dhaca falal amni darro, sida qaraxyo & dilal qorsheysan.

b962c81c-28dc-4c17-922c-5c6c9ed0b7b7.jpg 6e0a8312-ac29-451a-801e-810c0c08f5c3.jpg 9e316aea-2b45-42ae-9da2-2059566416dd.jpg 56cdff56-76f8-4ccc-ae2b-1b3f4156dff8.jpg

The post Qarax culus oo goor dhow ka dhacay JOWHAR + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this