Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Booq xoogan oo hareeyey kulanka BF iyo xaaladda oo cakiran

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo xarunta baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegaya in buuq xoogan uu hareeyey kulanka baarlamaanka Soomaaliya oo uu maanta ajendihiisu ahaa meel-marinta xubnaha golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya.

Buuqa ayaa waxaa sameeyey xildhibaano ka soo horjeeda in codka kalsoonida loo qaado golaha wasiirada magacaaban, waxayna arrintan ay timid, markii uu hoolka soo galay ra’iisul wasaaraha oo doonaya inuu baarlamaanka ka dalbado anisixinta xukuumaddiisa.

Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa ayaa laga arkayaa ciidamo gudaha u galay xarunta, hayeshee guddoomiyaha ayaa sheegay in la ansixinayo xukuumadda.

 

 

 

The post DEG DEG: Booq xoogan oo hareeyey kulanka BF iyo xaaladda oo cakiran appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this