Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaliya oo maanta codka Kalsoonida u qaadaya Xukuumadda cusub

Recommended Posts

Deeq A.   
Xamse.jpg?resize=721%2C480&ssl=1

Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan weyne ku yeelanaya xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa ujeedkiisu wuxuu yahay u codeynta  iyo kalsooni siinta Xukuumadda magacaaban iyo barnaamijkeeda.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa horay uga codsaday Xildhibaannada in ay ansixiyaan Xukuumadda si ay u gudato waajibaadka loo igmaday.

Sidoo kale Wasiirada magacaaban ayaa muddooyinkii danbe waday kulamo ay codka kalsoonida ku weydiisanayaan xildhibaannada Baarlamanka gaar ahaanna kuwa ay isku degaanka yihiin.

PUNTLAND POST

The post Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaliya oo maanta codka Kalsoonida u qaadaya Xukuumadda cusub appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this