Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ku Gacan Saydhay Ergo ka mida Ganacsatada Ugu Waaweyn ee Somaliland.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ku Gacan Saydhay Ergo ka mida Ganacsatada Ugu Waaweyn ee Somaliland.

mb.jpg

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku gacansaydhay xubno kamid ah ganacsatada ugu waa wayn JSL. Guddoomiyaha sherkada Telesom Cabdikariim Maxamed Iid, Maareeyaha guud ee Sherkada Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Siciid, Mulkiilaha Sherkada WorldRemit Ismaciil Axmed ayaa ergo ahaan ugu tagay Madaxweyne Muuse Biixi.
Ergada Ganacsatada ayaa daaranayd xaalada Waddanku ku jiro ee abaarta, sicir-bararka iyo khilaafka cakiran ee siyaasadda, waxayna ka codsadeen inuu Waddanka u tudho oo xaalada cakiran dajiyo tanaasulna sameeyo.
Sida xogo kulankaas ku dhawaa sheegeen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa u qadimay ganacsatada diidmo qayaxan wuxuuna ku wargaliyay inay faraha kala baxaan hawshaas.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this