Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Golaha Wasiirada ma heli doonaan maanta codka kalsoonida baarlamanka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta la horgayanayaa xildhibaanada golaha shacabka si ay codka kalsoonida ugu qaadaan ayada oo weli hubanti la’aan badan ay ku hareeyeysan tahay. 

Maalmihii ugu dambeeyey wasiirada ayaa waday dadaal xooggan oo codka kalsoonida ay uga raadinayaan xildhibaanada beelahooda ayaga oo ku guuleystay inay ka helaan ballan-qaadyo, balse ma cadda waxa dhici doono marka codka la qaado. 

Wasiirada ayaa wajahayey cadaadis xooggan oo kaga imanaya dhinacyo kala duwan oo isbiirsaday, dadaalladaas oo la doonayo in codka kalsoonida loogu diido. 

Waxaa dhinacyadaas ka mid ah; xildhibaano careysan kadib markii ay xilal wasiir soo waayeen, madaxdii hore ee dowladdii Nabad iyo Nolol, madax goboleedyada qaarkood iyo xildhibaano qaab beeleed u abaabulan oo ku doodaya in beelahooda aan la siin “wasiiradii ay u qalmeen.”  

Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa sameeyey dadaallo xooggan oo codka kalsoonida looga raadinayo xildhibaanada, waxayna u badan tahay in la meel mariyo, sida aan xogta ku helnay. 

Xukuumadda ayaa waxaa caawinaya ayada oo ku dhowaad 50 xubnood oo ka mid ah golaha wasiirada ay yihiin xildhibaano, waxaana la filayaa in kooramka uusan ka badnaan qiyaastii 150. 

Xildhibaannada ayaa laga codsaday inay xilli hore soo xaadiraan kulankaan oo muhiim ah. 

Waxaa golaha shacabka Soomaaliya hortegi doono ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo marka hore xildhibaannada Soomaaliya weydiisan doono inay meel-mariyaan xukuumadda uu soo dhisay, si ay gudato waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

The post Xog: Golaha Wasiirada ma heli doonaan maanta codka kalsoonida baarlamanka? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this