Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa halis haddii Itoobiya lagala tashado nabadeynta Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG-20220806-WA0004.jpg?resize=396%2C263Seyoum Mesfin wuxuu Itoobiya ku iibgeeyey in dalkiisu ku xeeldheer yahay wax ka qabashada halista dalalka burburay sida Soomaaliya.

Muqdisho (Faallo) —Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida ee Itoobiya Mustafe Cagjar wuxuu dhowaan sheegay in dowladdiisu dhul amni (buffer zone)oo Itoobiya ka baxsan samayn doonto kaddib weerar ay Al-shabaab ku qaadeen dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ka tirsan maamul ahaan.

Hindisaha uu sheegay Mustafe waa mid uu Danjire Seyoum Mesfin soo jeediyay 2018 mar uu maqaal ku qoray wargeys cilmiyeed. Mesfin wuxuu soo jeediyay in la taageero waxa uu u bixiyay jasiirado nabadeed kuwaas oo sii kobci doona marka la fidiyo dhulalka amniga.

IMG-20220806-WA0007.jpg?resize=703%2C960Mustafa Cagjar wuxuu sheegay in hindisihii Seyoum Mesfin laga hirgelin doono meel ka baxsan Itoobiya.

Mesfin wuxuu Itoobiya ku tilmaamay dal la deris ah dal burburay — Soomaaliya — sidaas darteedna aqoon u leeyahay halista argagixisadu iyo dowlad la’aantu keenaan. Wuxuu kula taliyay beesha caalamka in sida loo taageeri karo dowladda cusub ee 2017 tahay in la taageero maamullada nabadda ah oo aag nabadeedka u dhow.

IMG-20220806-WA0006.jpg?resize=1000%2C68Maqaalka uu Mesfin qoray afar sano ka hor. IMG-20220806-WA0008.jpg?resize=396%2C160Seyoum Mesfin wuxuu u ololeeyay in qeybo Soomaaliya ka mid ah laga dhigo meelo duulimaadyada ka caaggan.

Awoodda Mesfin helay muu helin Xayle Salaase oo xisbiyadii Koonfurta Soomaaliya ka jiray afartamaadkii ay u diideen inuu talo ku yeesho dadaalladii Soomaaliya loogu diyaarinayay gobanimogaarsiinta (trusteeship). Mesfin wuxuu ku biiray maamulkii TPLF ka samaysay Mekelle 2020kii, kaddibna waxaa lagu dilay god ku yaalla gobolka Tigray. Sanadkii 2007 wuxuu soo jeediyay in meelo duullimaadyada ka caaggan (no fly zones) Soomaaliya laga sameeyo. Muddo dheer wuxuu ahaa Wasiirka Arrimmaha Dibedda ee Itoobiya.

IMG-20220806-WA0005.jpg?resize=720%2C540Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Mekelle kula xafladaynaya TPLF iyo Ra’iisal Wasaare Hailemariam Desalegn dhowr sano ka hor intuu ahaa Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu heshiis laba geesood la galay Itoobiya 2014 si ciidammada Itoobiya dalka dib loogu soo celiyo. Go’aankan wuxuu jebiyay heshiiskii dowladdii ku meelgaarka iyo ururkii Isbahaysiga Dib-u-xoreynta Soomaaliya dhexmaray 2018. Wuxuu booqday Mekelle si uu uga qeybgalo xuska asaaskii TPLF, halkaas oo uu koofiyadda ururka xirtay oo calanka TPLF lulay. Fiiro-gaabnimada siyaasiyiinta Soomaalida ayaa u fududeysa Itoobiya inay talo ku yeelato dadaallada lagu nabadeynayo Soomaaliya.

The post Waa halis haddii Itoobiya lagala tashado nabadeynta Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this