Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xasan Sheekh oo tegay xarunta taliska ciidanka booliska kuna dhowaaqay…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer shaqo ku tagay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku adkeeyey hirgelinta, horumarinta iyo ilaalinta shuruucda dalka si ay tusaale wanaagsan ugu noqdaan bulshada Soomaaliyeed. 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dowladdan cusub ee uu hoggaamiyo ay xoogga saareyso labo istiraatiijiyadood oo lagula dagaallamayo argagixisada, si looga ciribtiro guud ahaan dalkeenna, taas oo ay laf-dhabar u yihiin Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo dhammaan Ciidamada Qalabka Sida. 

“Dowladdaan cusub waxaa u degsan labo siyaasadood oo ay argagixisada kula dagaallameyso, waxaan rabnaa in aan kula dagaallanno hab fikri ah, diiniyan ah, waddaniyad ah oo aan dadka Soomaaliyeed ku tusineyno beenta ay wadaan argagixisada. Sidoo kale waxaan rabnaa in aan kala dagaallanno ilaha ay ka helaan dhaqaalaha, annagoo hab sharciya u mareyno, dadka Soomaaliyeedna ku qancineynno in aan la aqbaleynin in ay argagixisada dhaqaale siiyaan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan. 

Madaxweynaha oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey Taliska Booliska shaqada wanaagsan ay u hayan Qarankooda, isagoo ka dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee amniga dalka, sharciyadda booliska, hannaanka shaqo ee Taliska Booliska, baahiyaha Ciidamada, caqabadaha ka haysta qalabka ay ku shaqeeyaan iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.

“Dowladdu waxaa ahmiyad gaar ah siineysaa horumarinta shuruuc ciidamada dalka si loo helo sharciyo la jaanqaadi kara hababka casriga ah ee ay waqtigan u shaqeeyaan hay’adaha ammaanka ee caalamka, taas oo fududeyneysa xaqiijinta hadafka guud ee ilaalinta amniga dalka. Ciidamada Booliska Soomaaliyeed waxaa laga rabaa in ay hormuud u noqdaan ilaalinta shuruucda ciidamada, dhaqan-gelinta xeerarka guud ee dalka, dhowrista sharafta, karaamada iyo xorriyada muwaadiniinta Soomaaliyeed xilliyada shaqada Qaranka.” 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan gaar ah la qaatay Taliska guud ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Talisyada hoggaannada, Taliyeyaasha ciidamada gaarka ah iyo Taliska qeybta guud ee Booliiska Gobolka Benaadir ayaa ku adkeeyey in ay xoojiyaan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka, waxa uuna hoosta ka xariiqay Madaxweynuhu muhiimadda ay dowladdu siineyso qorshaha ku saleysan xoojinta wadashqeynta shacabka iyo hay’adaha dowladda ee ay booliska ugu horreeyaan.
297955988_442684271236051_39879508934375 297838481_442684267902718_30342784133737 calanka.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 booliska.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 298068828_442684417902703_12688751874626 297859863_442684484569363_19040234188510 298002417_442684524569359_42760846960683 297887640_442684547902690_57197194960346 xijaar.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 297988910_442684644569347_84471163930512 297797179_442684681236010_70816560124837 xijaar-xasan.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 298028492_442684777902667_10243841958032 maxamed-amiin.jpeg?resize=696%2C464&ssl= xasan.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 297933142_442684897902655_64909694300616 297847249_442684921235986_15469527808836 297787306_442684971235981_14235445616751 297881153_442685004569311_62378628188844 xasan-sheekh.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1

The post Sawirro: Xasan Sheekh oo tegay xarunta taliska ciidanka booliska kuna dhowaaqay… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this