Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland oo kulan la qaatay Saraakiisha Amniga

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1659785388260.jpg?resize=720%2C48

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali ayaa kulan la qaatay Saraakiisha, Taliyayaasha iyo Taliye xigeenada Ciidamada Amniga Gobolka Mudug.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Gobolka Mudug, Taliyayaasha Saldhigyada Magaalada Gaalkacyo, saraakiisha CID iyo Taliye xigeenada ayaa ka soo qayb galay Kulankan.

Shirkan oo mudo saacada ah socday ayuu Gudoomiyuhu warbixino ka dhagaystay Saraakiisha isagoona intaa kadib ku amray laamaha amniga in ay laba jibaaraan howlgalada Amni ee Magaalada Gaalkacyo.

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland oo kulan la qaatay Saraakiisha Amniga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this