Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG CUSUB: Cabdiqani Qardhaawi oo lagu beddelayo Axmed Taaran

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20220806_133831031.jpg?resize=720

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo cadaadis xooggan kaga yimid siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Nugaal ayaa isbeddel ku sameeyay liiska magacaabidda xubnaha Maxkamadda sare.

Sida ay xaqiijinayaan warar lagu kalsoon yahay oo hadda laga helayo Madaxtooyada liiska Xubnaha la magacaabayo ee Maxkamadda sare ayaa gebi ahaanba laga saaray Axmed Taaran.

Cabdiqani Cali Xagaa oo ku magac dheer ( Qardhaawi) ayaa lagu beddelay booskii Axmed Taaran ee Guddoomiyaha Maxkamadda sare sida ay xaqiijiyeen Ilo wareedyo sugan.

Cabdiqani Qardhaawi oo hadda Madaxweynuhu go’aansaday in uu u magacaabo Guddoomiyaha Maxkamadda sare waxay isku degaan ka soo jeedaan Axmed Yuusuf Taaran.

PUNTLAND POST

The post XOG CUSUB: Cabdiqani Qardhaawi oo lagu beddelayo Axmed Taaran appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this