Sign in to follow this  
Deeq A.

Galaha Shabka oo La Filayo In uu Berri Ansixiyo Xukuumadda Cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu filayaa in barri kulan uu ku yeesho magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa ajandihiisu yahay in goluhu ay codka kalsoonida ay siiyaan xukuumadda cusub ee dhowaan uu soo dhisay Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Xamse Cabdi Barre.

Ra’iisulwasaaraha ayaa waxaa uu soo magacaabay xukuumad ka kooban 25 wasiirro, waxaana maalinta barri lagu wadaa in golaha shacabka ay siiyaan codka kalsooni, si ay u bilowdo shaqadeeda.

Hoos ka akhriso fariinta loo diray xildhibaannada.
Beri oo Axad ah, taariikhdu tahay 7 August, waxaa jira kulan weynihii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya.
Agendaha
1. U codeynta kalsooni siinta Xukuumadda magacaaban iyo barnaamijkeeda.
Goobta _ Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeisa
Wakhtiga – 09.00 Subaxnimo.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this