Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: Axmed Taaran oo markii saddexaad loo magacaabayo Maxkamadda sare ee Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1659731018395.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sida warar sugan xaqiijinayaan markii saddexaad Guddoomiyaha Maxkamadda sare u magacaabaya Avv. Axmed Maxamed Yuusuf Taaraan.

Markii u horraysay Madaxweyne Deni ayaa 31 March ee Sannadkan Axmed Taaran u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda sare balse Baarlamanka ayaa 4 July diiday in ay ansixiyaan isaga iyo Xubnihii kale ee Maxkamadda.

Madaxweynaha ayaa isla maalintaas mar kale dib u magacaabay Xubnaha Maxkamadda sare oo uu u horreeyo Guddoomiye Axmed Taaraan.

7 July ayuu mar kale Baarlamanku meel-mariyay go’aan Baarlamaani ah oo diidaya in dib loo magacaabo Xubnaha Maxkamadda sare.

Waxaase wada-xaajood muddooyinkii danbe u socday Madaxweynaha iyo Baarlamanka lagu heshiiyay in la qaybsado Xubnaha Maxkamadda sare.

Madaxweyne Deni ayaa sida wararku sheegayaan codsaday in isaga looga tanaasulo Axmed Taaraan maadaama Xubnihii kale ee Maxkamadda lala qaybsaday.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in laga heshiiyay khilaafkii ka dhashay Arrinta Maxkamadda sare kaas oo u dhexeeyay Baarlamanka iyo Madaxweynaha Puntland.

PUNTLAND POST

The post XOG: Axmed Taaran oo markii saddexaad loo magacaabayo Maxkamadda sare ee Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this