Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Maxaa ka soo kordhay kulamada wasiirada cusub iyo xildhibaanada beelahooda? +Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii u dambeeyey sii xoogeystay kulamada golaha magacaaban ee wasiirrada Soomaaliya ay la yeelanayaan xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka, si ay u weydiistaan codkooda kalsoonida.

Wasiirrada ayaa beel – beel ula kulmaya xildhibaanada, si wasiir kasta uu xubnaha beeshiisa ku metela baarlamaanka uu ugu qanciyo inay ansixiyaan xukuumadda cusub ee Ra’iisul Wasaare Xamza Barre.

Waxaa jira guux xoog leh oo ka dhan ah hanaanka loo soo xulay wasiirrada cusub, inta badan beelaha Daarood ayaa muujinaya cabashada ugu xooggan, gaar ahaan Mareexaan, Majeerteen, Carab Saalax iyo kuwo kale.

Wasiirka, wasiir ku xigeenka iyo wasiiru dowlaha magacaaban ee beesha Mareexaan ayaa maanta la kulmay Xildhibaannada iyo Senatarada ku metela baarlamaamka, waxaana la sheegay in la isku afgartay in wasiirrada codka kalsoonida la siiyo, wixii xuquuq ah oo beesha ka maqana wadahadal lagu raadiyo.

Go’aankaan wuxuu imaanayaa iyadoo shalay qoraal wadajir ah ay soo saareen labada madaxweyne ku xigeen ee Jubbaland iyo Galmudug oo ka soo jeeda beesha Mareexaan, kuwaas oo qaadacay kuraasta ay beeshu ka heshay xukuumadda cusub.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare ku xigeenka magacaaban, xubnaha wasiirrada, ku xigeenada iyo wasiiru dowlayaasha ka soo jeeda Somaliland ayaa muujiyey inay heleen taageerada xildhibaannada ku matala baarlamaanka, kadib kulamo ay Muqdisho kula yeesheen.

Dhankooda xildhibaannada beelaha 5-aad ayaa cadeeyey inay taageeri doonaan ansixinta wasiirrada magacaaban, kadib kulamo xasaasi oo Muqdisho ka dhacay saacadihii lasoo dhaafay.

Wasiirrada magacaaban ee beelaha Mogadishu Clan ayaa sidoo kale maanta ka hadlay kulamo ay la yeesheen xildhibaanada iyo waxgaradka beesha, iyagoo cadeeyey inay heleen kalsoonida beelahooda.

Markii laga soo tago wasiirradii hadlay oo ay ka mid ahaayeen Axmed Macalin Fiqi iyo Maxamuud Beena-beene, xildhibaanadii kulankaas ka hadlay waxaa ka mid ahaa Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo Sanetor Yuusuf Dhegey Ugaas, waxayna cadeeyeen inay ka Mogadishu Clan ahaan hormuud u noqa doonaan ololaha ansixinta xukuumadaan.

Wasiirrada Majeerteen iyo qaar ka mid ah beelaha Digil iyo Mirif ayaa ayaguna soo bandhigay kulamo ay la yeesheen xildhibaanadooda, iyagoo cadeeyey inay heleen kalsoonida xubnaha ku metela baarlamaanka.

Illaa hadda lama cadeyn maalinta golaha wasiirada laga hor geynayo baarlamaanka, balse waxaa la qorsheeyey in todobaadkaan berri bilaabanaya aysan la dhaafin, sida aan xogta ku helnay.

297531498_5268921799829975_4380778076146 297543465_5267004910021664_7866909034874 297723771_5266637473391741_7980568215717 297820864_5269174823138006_3675432427954 297854529_5266425930079562_2100042158058 297874729_5269148083140680_1211470746657

The post Xog: Maxaa ka soo kordhay kulamada wasiirada cusub iyo xildhibaanada beelahooda? +Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this