Sign in to follow this  
Deeq A.

Baabuur xamuul ah oo lagu qarxiyey saldhig ay ciidanka GORGOR ku sugnaayeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Jawiil (Caasimada Online) – Qarax loo adeegsaday gaari xamuul ayaa waxyar ka dib salaaddii Jimcaha maanta lagu weeraray saldhig ay si ku meel gaar ah u degan yahiin ciidamada Gargor oo ku yaalla degmada Jawiil ee waqooyiga magaalada Baledweyne.

Gudoomiyaha degmada Jawiil Cabdulqaadir Cabdi Cabdullaahi, ayaa sheegay in gaariga uu ku qarxay iridda hore ee xerada, wuxuuna intaas ku daray tiro koobka iyo faahfaahinta waxyeellada qaraxa ay dib kasoo sheegi doonaan.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ku sugnaa saldhigga ay rasaas xooggan ku fureen gaariga xamuulka ah kahor inta uusan qarxin.

Ciidamadan maanta qaraxa lagu weeraray ayaa ujeedada loo geeyay degaankaas waxay tahay in ay qeyb ka qaataan gulufka lagu doonayo in Al-Shabaab lagaga saaro degaano xuduudda u dhow oo bilahii ugu dambeyay in dhaqdhaqaaqyo ka wadeen.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxa, waxayna sheegtay inay ku beegsatay “maleeshiyo loo abaabulayey inay la dagaalamaan” Al-Shabaab.

Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay dhimashada ugu yaraan hal sarkaal oo ku dhintay weerarka.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegatay inay “khasaare baaxad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac” ay gaarsiisay ciidanka xerada ku sugan, balse ma aysan faah-faahinta inta uu le’eg yahay.

Goobta maanta uu qaraxa ka dhacay ayaa ilaa 20 KM u jirta xadka Soomaaliya iyo Ethiopia

The post Baabuur xamuul ah oo lagu qarxiyey saldhig ay ciidanka GORGOR ku sugnaayeen appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this