Sign in to follow this  
Deeq A.

Marxuum Maxamed Warsame Darwiish oo maanta aas Qaran loogu sameeyay Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1659694733426.jpg?resize=720%2C48

Alle ha u naxariistee meyda Wasiirkii Arrimaha Gudaha dawladda Jubbaland, marxuum Gen. Maxamed Warsame Faarax (Darwiish ayaa maanta la keenay caasimadda KMG ah ee Jubbaland ee Kismaayo, iyadoo loo sameeyay Aas Qaran.

Aaska marxuumka ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee Jubbaland, xubno kamid ah golayaasha dawladda Jubbaland, Wasiiro ka socda dawladda Puntland, masuuliyiin katirsan DFS iyo qeybaha kala duwan bulshada Kismaayo.

Gen. Maxamed Warsame Darwiish, oo dhowaan ku geeryooday dalka Jarmalka ayaa kamid ahaa Aas-aasayaashii Jubbaland, isagoo sannado badan ka shaqeynayay dawlad dhiska dalka iyo dib-u-heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST

The post Marxuum Maxamed Warsame Darwiish oo maanta aas Qaran loogu sameeyay Kismaayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this