Sign in to follow this  
Deeq A.

Luga-dheere “ Jubbaland waxa ay taageersan tahay Xukuumadda cusub ee RW Xamsa Cabdi Barre”.

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa caddeeyay mowqifkooda ku aadan xukuumada cusub ee Soomaaliya ee uu magacaabay Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre, waxaana uu sheegay inay taageersan yihiin xukuumadda cusub,.

Madaxweyne kuxigeenka 2-aad ee Maamulka Jubbaland Cabduqaadir Xaaji Maxamuud (lugadheere) ayaa sheegay inay si buuxda u tageerayaan Xukuumadda Cusub, isaga oo ugu baaqay Golaha Shacabka inay ansixiyaan Golaha Wasiirada cusub.

“Jubbaland ayaa caddeeysay mowqifkeeda ku aadan xukuumada cusub ee Soomaaliya ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre. Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa sheegay in Jubbaland ay taageersan tahay xukuumadda cusub, isla makraana ay ku boorrineyso Baarlamaanka inuu ansixiyo” ayaa lagu yiri qoraalka uu soo saaray Madaxweyne ku xigeenka J2-aad ee Jubbaland.

Wuxuu sidoo kale ka codsaday Shacabka Soomaaliyeed inay taageeraan Golaha Wasiirada Ra’iisul Wasaare Xamse una baahan yihiin in horay loo socdo.

Qoraalkaan ayaa daba socda Warqad kasoo baxday kulan Muuqaalka Fogaan-aragga ku yeesheen Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee maamul goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan & Madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ku qaadaceen hab qaybsiga beelaha ee lagu saleeyay Xukuumadda magacaaban.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayay u badan tahay in berri (6da August 2022) uu hor geeyo Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad Jamhuuriyadda Federaalka si uu codka kalsoonida uga helo.

The post Luga-dheere “ Jubbaland waxa ay taageersan tahay Xukuumadda cusub ee RW Xamsa Cabdi Barre”. appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this