Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Raashiya oo maanta kulmaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta oo jimca ah magaalada Sochi  ee dalka Raashiya kula kulmi doona madaxweyne Vladamir Putin.

Horumarka gobolka kan caalamka iyo xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee dhinacyadaasi ayaa noqon doona ajeendaha maanta sida laga soo xigtay Ankara,

Kulanka uu la yeelanayo Vladimir Putin ayaa ku soo beegmaya isla toddobaad markii markab siday haruur ay leedahay Ukraine ay u suurtagashay in uu shiraacdo, kaas oo ahaa kii ugu horreeyay tan iyo markii uu billowday dagaalka Raashiya iyo Ukraine.

Safarka Erdogan – oo ah kii sideedaad ee uu ku tagayo  Ruushka tan iyo bilowgii 2019 –kii, wuxuu daba socday kulan saddex geesood ah oo uu Putin iyo Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi kula yeeshay Tehran bishii hore.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynayaasha Turkiga iyo Raashiya oo maanta kulmaya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this