Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo Furuqa daanyeerka u aqoonsaday xaalad caafimaad oo deg deg ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Mareykanka ayaa saacado ka hor ku dhawaaqay xaalad caafimaad-guud oo deg deg ah, kaddib marki ay soo bateen kiisaska la xiriira xanuunka Furuqa-Daanyeerka ee Monkeypox.

Tallaabadan ayaa hay’adaha caafimaadka dowladda Federaalka ee Maraykanka u fududeyn doonta in ay dowladda ka helaan kaalmo dhaqaale oo deg deg ah oo lagula dagaalo xanuunkaas.

Kiisaska dadka laga helay xanuunka Monkeypox ayaa Arbacadii gaaray 6,600. Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in dadka ugu badan ee laga helay ay yihiin ragga gogosha wadaaga.

Dowladda Mareykanka ayaa lagu cambaareeyay qaabka ay u maareyneyso xanuunkan sii faafaya.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo Furuqa daanyeerka u aqoonsaday xaalad caafimaad oo deg deg ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this