Deeq A. Posted August 4, 2022 FARIINTA URUR SIYAASADEEDKA HALGAN Muwaadin hadii aad ka mid tahay isbedel-doonka aaminsan in loo baahan yahay xisbi ama xisbiyo qaran oo ka duwan xisbiyada aynu soo arkaynay 20kii sanadood ee ugu dambeeyay; ogow aragtidaada waxa kula wadaaga urur siyaasadeedka HALGAN oo kugu martiqaadaya in aad ka mid noqoto ama taageertid Marka hore taageeradaada waxad ugu muujin kartaa adigoo ku mahadsan in aad ka qaygashid qaadhaan-bixin dhan 10,000 Sh Sl, oo u noqon karta waxtar iyo dhiirigelin labadaba. Haddana adigoo mar labaad ku mahadsan waxad u soo marin kartaa lambarada ku qoran lifaaqa hoose ee adeegyada ZAAD iyo eDahab. Dhinaca kale qaadhaan-bixinta lafteeda ayaa ah tijaabo “Gacmo Wadajir Bay Wax Ku Qaban Karaan” oo ah halkudhegga iyo astaanta ururka (labada gacmood). Wa Bilaahi Tawfiiq Caligurey Qaran News Share this post Link to post Share on other sites