Sign in to follow this  
Deeq A.

Shiinaha dhoola-tus ciidan ka bilaabay biyaha iyo Hawada sare ee Jasiiradda Taiwan

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada militariga Shiinaha ayaa bilaabay dhoolatus ciidan, oo ay ku jiraan gantaallo toos ah oo ay ku ridayaan biyaha iyo hawada ku hareereysan jasiiradda Taiwan, sida laga soo xigtay warbaahinta Shiinaha.

Dhoollatuskan ayaa imanaya maalin kadib booqasho ay afhayeenka Aqalka Wakiilada Maraykanka, Nancy Pelosi ku tagtay jasiiradda iskeed  isu maamusha ee Taiwan, oo ay xukuumadda Beijing u aragto mid ka tirsan dhul weynaha Shiinaha.

Mas’uuliyiinta Taiwan ayaa sheegay in dhoolatuskan uu yahay mid xadgudub ku ah shuruucda Qaramada Midoobay, isla markaana ay Shiinuhu duulaanka ay ku qaadeen hawada sare ee Jasiiradda, ayna caqabad toos ah ku yihiin jiritaanka Taiwan.

Taiwan ayaa sidoo kale laga jabsaday website-yadii Madaxtooyada, wasaaradda difaaca iyo wasaaradda Arrimaha dibadda, waxaana ay arrintaas ku eedaysay dowladda Shiinaha.

PUNTLAND POST

The post Shiinaha dhoola-tus ciidan ka bilaabay biyaha iyo Hawada sare ee Jasiiradda Taiwan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this