Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Aadan Madoobe oo la kulmay wasiirada labo maamul GOBOLEED

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Onine) – Guddoomiyaha golaha shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay kulan la yeeshay qaar ka mid ah golaha wasiirada ee magacaaban, gaar ahaan xubnaha ka soo jeeda maamullada Koonfur Galbeed & Jubbaland.

Kulanka oo ka dhacay hoyga uu magaalada Muqdisho ka dagan yahay Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa uu ahaa mid gaar ah oo gooni u ahaa isaga iyo wasiirada dowladda federaalka ku metelaya Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

“Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa ku qaabiley Wasiirada magacaaban ee dowladda Federaalka ku matala dowlad goboleedka Koonfur galbeed iyo qaar ka mid ah Jubaland,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale ujeedka kulankaan ayaa waxaa lagu sheegay inuu ahaa salaan iyo booqasho ay guddoomiyaha ugu tegeen xubnaha golaha wasiirada ee magacaaban.

“Wasiirada magacaaban ayaa guddoomiyaha ugu yimid salaan iyo kala warqaadasho,” ayaa markale lagu yiri warka ka soo baxay xafiiska Aadan Madoobe.

Xubnaha uu qaabilay Aadan Madoobe waxaa ku jiray Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo loo magacaabay wasiirka diinta iyo awqaafta, waxaana soo deyntiisa iyo xilka loo magacaabay door ku lahaa guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay isku deegaan yihiin.

Warar kale oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in wasiirada magacaaban iyo Aadan Madoobe ay ka wada-hadleen arrimo ku aadan sidii ay xukuumadda cusub u heli laheyd codka kalsoonida ah, maadaama uu dhowaan uu horgeyn doono ra’iisul wasaaraha.

Somalia ayaa yeelatay xukuumad rasmi ah, taas oo dhismaheedu ay qaadatay ku dhowaad 40 cisho, kadib markii ay daba dheeraadeen wada-tashiyadii uu waday Xamza Cabdi Barre.

297694395_372540598389915_90654804608578 297468324_372540655056576_24650342061255 297574984_372540541723254_55983142997736297449990_372540665056575_46532018610290

 

The post Sawirro: Aadan Madoobe oo la kulmay wasiirada labo maamul GOBOLEED appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this