Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo xooggan iyo wefdi ka socda Somaliland oo gudaha u galay degmada Boocame

Recommended Posts

Deeq A.   
4.jpg?resize=720%2C540&ssl=1

Wefdi ka socda Somaliland oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Sool ugu magacaaban Cabdikariin Aaden Xaaji Diiriye ayaa saaka gaaray degmada Boocame ee Gobolka Sool.

Wefdiga oo ay galbinayaan in ka badan 45 gaadiidka dagaalka ah ayaa goor dhowayd galay magaalada sida ay xaqiijinayaan goob-joogayaal madax-bannaan.

Sidoo kale magaalada Boocame waxa ku sugan wasiirka duulista Hawada iyo Garoomada Puntland oo ay weheliyaan xildhibaanka laga soo doorto degmada iyo Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Puntland.

Dhinaca kale Ciidamadii Puntland xalay gaysay duleedka Boocame ayaa badankoodu u laabtay dhinaca Tukaraq kadib markii Saaka aroortii hore Ciidamada Somaliland ee ku sugan Tukaraq ay hubka culus u rideen dhanka Taliska Puntland.

Wefdiga Somaliland ee hadda gaaray Boocame ayaa sida xogta aan ku helayno u sii gudbaya dhinaca Hawdka ah gaar ahaanna Tuulada Karin-garfood oo maanta Qado loogu samaynayo.

PUNTLAND POST

The post Ciidamo xooggan iyo wefdi ka socda Somaliland oo gudaha u galay degmada Boocame appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this