Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad u dhexaysa Ciidamada Puntland iyo Somaliland oo ka taagan Gobolka Sool

Recommended Posts

Deeq A.   

Xiisad u dhexaysa Ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa ka taagan nawaaxiga degmada Boocame ee Gobolka Sool.

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka ayaa xalay gaaray duleedka degmada Boocame halkaas oo lagu waday in ay maanta  yimaadaan mas’uuliyiin ka socda Somaliland.

Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan Somaliland oo ka yimid dhinaca Laascaanood ayaa ku sugan meel u muuqata Ciidanka Puntland waxaana laga cabsi qabaa in ay isku dhacaan labada ciidan.

Ciidamada Somaliland ayaa doonaya in ay soo galbiyaan mas’uuliyiinta maamulkaas si ay u yimaadaan degmada Boocame waxaase hor fadhiya Ciidanka Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa sida wararku sheegayaan amar ku bixiyay in la ololiyo ciddii Somaliland ka socota oo isku dayda in ay Boocame timaado.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa raba in ay dhinaca koonfurta ka wareegaan kadibna ay tuulada Karin-garfood isku soo sawiraan haddii laga hor istaago magaalada Boocame.

PUNTLAND POST

The post Xiisad u dhexaysa Ciidamada Puntland iyo Somaliland oo ka taagan Gobolka Sool appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this