Sign in to follow this  
Deeq A.

Fu’aad Shongole Oo Ay Itoobiya Sheegtay Inay Dishay Oo Beeniyey In La Dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Fu’aad Maxamed Khalaf oo ka mid ah hoggaamiyayaasha Al-Shabaab ayaa beeniyey in lagu dilay dagaalladii ka dhacay gobolka Bakool toddobaadkii hore.

Cod laga soo duubay Shongole oo lagu baahiyey warbaahinta Al-Shabaab ayuu ku sheegay inuu nool yahay uuna caafimaad qabo.

Itoobiya ayaa sheegtay maalintii Jimcihii inay dishay saddex sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab, oo ay ka mid yihiin Fu’aad Shongole iyo Af-hayeenka ururkaas Cabdulcasiis Abu Muscab.

Codka ayuu ku xusay dagaalkii ka dhacay 30-kii Juulaay magaalada Caato, iyo warka kasoo baxay Itoobiya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this