Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay qaar kamid ah wasiirada magacaaban

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Adan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan kula qaatay hooygiisa qaar kamid ah golaha wasiirada.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii guddoonka golaha shacabka ay qayb uga qaadan lahaayeen ansixinta xukuumadda cusub ee ra’iisulwasaare Xamsa.

Guddoomiye Madoobe ayaa wasiirada alle uga baryay in uu u fududeeyo xilka culus ee loo igmaday, waxaana kulanka goobjoog ahaa wasiirka gaashaandhigga, wasiirka arrimaha diinta iyo Aw-qaafta iyo xubna kale oo ka tirsan golaha xukuumadda.

“Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa caawa hoygiisa ku qaabiley Wasiirada magacaaban ee dowladda Federaalka ku matala dowlad goboleedka Koonfur galbeed iyo qaar ka mid ah Jubaland,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska golaha shacabka.
297449990_372540665056575_46532018610290
297574984_372540541723254_55983142997736
297694395_372540598389915_90654804608578
297468324_372540655056576_24650342061255
297444025_372540645056577_66275787066346
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this