Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska AFRICOM ee gudaha Soomaaliya ka dagaalama oo taliye cusub yeeshay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Militeriga Maraykanka Afrika ee loo soo gaabiyo AFRICOM ayaa todobaadkaan yeelanaya taliye cusub, kaas oo lagu magacaabo Jeneraal Michael Langley.

Taliyaha cusub ayaa noqday sarkaalkii ugu horreeyey ee ka tirsan ciidmaada badda Maraykanka ee madow ah oo gaaray darajada Jeneraalka afarta xiddigood leh.

Aqalka Sanate-ka ee dalka Maraykanka ayaa shalay ansixiyey dallacsiinta Jeneraal Langley oo loo magacaabay taliyaha ciidanka AFRICOM.

Taliska AFRICOM ayaa xaqiijiyey in Jeneraal Langley uu xilka kala wareegi doono Jeneraal Stephen Townsend toddobaadka dambe, gaar ahaan 9-ka Agoosto.

Wadamada ay ka howlgalaan ciidamada AFRICOM waxaa ku jirta Soomaaliya, waxayna dowladda Soomaaliya ka caawiyaan la-dagaalanka kooxda Al-Shabaab.

Waxay AFRICOM gudaha Soomaaliya ka fulisaa duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish, sidoo kalena wuxuu taliskaasi tababarro siiyaa guutada Dana bee ciidamada xoogga Soomaaliya.

The post Taliska AFRICOM ee gudaha Soomaaliya ka dagaalama oo taliye cusub yeeshay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this